mantag
(m.l)Cunto caloosha ku jirto oo afka laga keeno. ld matag¹.
mantag
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-gay, -gtay)Cunto caloosha ku jirto afka ka keenid. ld matag³.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mantag ↴
dhajis [m.l]
1. Mas gaboobay. 2. Cudur caloosha ku dhaca oo mantag badan leh oo la aaminsanyahay inuu ka dhashay ilayn qof la ileeyay. 3. ld dhajin.
mantagid [m.f.dh]
eeg mantag². ld matagid.
mantaji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid mantag ka keenid. 2. Ka m.: cid fal ay sameeysay eedsiin. ld mataji.
matag [m.l]
ld mantag¹.
matag [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
ld mantag².
matagid [m.dh]
ld mantagid.
wallac [m.l]
Xanuun ka dhaca dumarka uurka cusub leh; waxaana lagu yaqaan: madaxwareer, candhuufo badni, mantag iyo ninka qaba oo ay jamato ama ay nacdo.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg