manyiikay
(m.l)Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo xeebta iyo Jubbada Hoose; waxaa laga sameeyaa dhecaan geed; maanyo, qubleey, libin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh manyiikay ↴
waaray [m.l]
Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo meelaha uu ka soo bilowdo webiga Shabeelle iyo agagaarka magaalada Iimey. Qubleey, maanyo, manyiikay, libin.
libin [m.l]
Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo woqooyiga-bari ee Keenya; qubleey, maanyo, manyiikay, waaray.
maanyo [m.l]
Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo xeebta iyo Jubbada hoose, waxaa laga sameeyaa dhecaan geed; qubley, manyiikay, libin, waaray.
qubleey [m.l]
Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo Xeebta iyo Jubbada Hoose; waxaa laga sameeyaa dheecaan geed; maanyo, manyiikay; libin.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg