maqaal
(m.l)

ld maqaalad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maqaal

cunwaan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Magaca la siiyo buug, maqaal iwm oo tilmaamaya waxa uu ka hadlayo. 2. Meel cid waraaqaha loogu hagaajin karo. ld cinwaan.

jariidad [m.dh] (-raa'id, m.l)
Wargeys toddobaadle ama ka badan oo lagu soo bandhigo maqaallo waxyaalo kala duwan ka hadlaya iyo xayeysiis. ld jariido.

jilib [m.l]
1. (-lbo, m.l) Meesha shanshada iyo bawdada dadku iska galaan. 2. Buur yar. 3. (-byo, m.dh) Qayb ka mid ah qolooyin wada dhashay. 4. (-byo, m.dh) Bir yar oo caarad godan leh oo kalluunka lagu dabo; maqaalin. 5. J. u dhig: qof ama wax iska daaficid. 6. Jilbaha u dhig: qof ama wax iska dhicin.

maqaalad [m.dh] (-do, m.l)
Qoraal mawduuc saameeyo oo lagu soo daabaco joornaal ama majallad. ld maqaal, maqaalo.

maqaale [m.l]
War la maqlay aan goobjoog loo ahayn.

maqaalin [m.dh] (-no, m.l)
Bir af qoroofan oo xagga dambe dalool ku leh oo mallaayga lagu dabo.

maqaalo [m.dh]
ld maqaalad.

qodob [m.l] (-dbo, m.l)
1. Dun, xarig iwm oo laba waxood ama ka badan la iskula qabto. 2. Musmaar gaaban oo dabada u buuran oo kabaha lagu qurxiyo. 3. Qaybaha sharciga u qaybsama mid ka mid ah. 4. Summad xoolaha lagu dhigto oo u eg nuunka carabiga oo hoos u jeeda. 5. Qormooyinka wargeyska ku qoran mid ka mid ah; maqaal; qormo.

qoraa [m.l] (-aayaal, m.l/dh)
Qof buugaag iyo maqaallo la akhristo qora. ld qore.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg