maqaar
(m.l) (-rro, m.l/maqaar, m.dh)Dub.
maqaar
(m.l)(c.nafl.) Qaybta adag ee weliba ah lakabka ugu hooseeya ee haragga lafdhabarleyda. Lakabka kale waa dubka bare. Haraggu wuxuu ka koobanyahay nudo isku xidhayaal miiqan, kuwaas oo ay ku dhex jiraan dhuumahadhiiggu, dhammaadka dareenwadka iyo naasleyda) goonka tina ah, qanjidhada dufanka iyo marinnada dhididka.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maqaar ↴
saab [m.l] (-bab, m.l)
1. Qalab ka samaysan xididdo, maqaar, laamo yaryar oo weelasha qaarkood lagu rido laguna qaado. 2. Oogada qaarkeeda sare, inta ka samay-san isku qoofalka feeraha, lafdhabarta iyo lafsakaarta oo wadnaha iyo sambabbadu ku dhex jiraan. 3. Taliye. taliye
baabillooma [m.dh]
(daaw.) Soobax ku yaalla maqaarka ama xuub malaaska, sida ilmosidaha dhexdiisa.
jaangeri [m.l]
Kabaha laga sameeyo maqaarka geriga.
abeesow [m.l]
Cudur maqaarka dadka ku dhaca oo u yeela barbaro kuwa abeesada u eg.
abxad [m.dh] (-do, m.l)
Shandad weyn, maqaar ka samaysan oo reer miyigu wax ku gurtaan.
aroore-holac [m.l] (-cyo, m.dh)
(daaw.) Halaamacoodka xididdada dhiigga ku cesha (aroore), sida badan waxaa lagu arkaa lugaha wuxuuna ku dhacaa aroore ballaartay oo laalaaban (varicose veins). Arooruhu xanuun badan ayuu yeelanaya waana adkaanaya maqaarka korkiisa ahna waa kululaanayaa waana casaanayaa. Xinjir xirikareysa xididdada ayaa inta badan sameysmata.
bar [m.l]
(daaw.) Bar lagu dhasho oo meel xaddidan ee maqaarka ah ku taal.
bayl [m.l]
1. Suun ballaaran, cad oo dun ama maqaar ka samaysan oo ay ciidamadu qaataan. 2. B. ah: biyo aad loo karkariyay. 3. B. ah: midab aad u cad.
bellaagra [m.l]
(daaw.) Cudur nafaqoxumo ama nafaqodarro oo ay keento la'aanta ama kayaraanta jirka fitamiinka la yiraahdo PP oo ka sameysan “nikotiinika asidh”. Astaamaha: maqaarka inta muuqda oo galdhaca, shuban iyo qalbixumo ama qulub.
biyo galo [m.l]
(daaw.) Halaamacoodka maqaarka oo uu keeno fiirus waxaana lagu yaqaan finan yaryar oo biyo ku jiraan.