maqal
(m.l)

1. Awood dheguhu wax ku dareemaan. 2. ld maaqal (1) Khaanad ku samaysan armaajo, miis iwm oo wax lagu rito. 3. Dixiri yaryar oo digada xoolaha ka dhasha; maqli.

maqal
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)

Ubadka ariga.

maqal
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-qlay, -qashay; -qli)

Shanqar iwm dhegaha ku dareemid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maqal

jabaq [m.dh] (-qo, m.l)
(fiis.) Gariirka dhex maraya dhextaal loodsame ah, lehna rakaad iyo itaal nashaadin kara dareenka maqalka ee dhegta aadamaha. Rakaadka jabaqdu waxa uu u dhexeeyaa. 20 --> 20,000 heertis, waana gaalis maqalka.

buuq [m.l]
(fiis.) Jabaq kasta oo dad dhiba; waxa lagu qiyaasaa iskeelka desibal oo u dhexeeya heerka maqalka ugu hooseeya (0dB) iyo heerka dhawaaqa maqalku xanuuniyo (130dB). Dhawaqyo maqalka qasa oo dhexgala liid rakaad ee marin sigaarsiin.

dhakan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Qof maqal ka liita ahaansho. 2. U dh.: qof meel ku dhuuntay ahaansho.

dheg [m.dh] (-go, m.l)
1. Xubinta maqalka nafleyda. 2. Hilqadaha haweenku isku qurxiyaan ee dhegaha dacalkooda surtaan middood. 3. Weel, qalab iwm meesha la qabto si loo qaado ama loo jiido. 4. Magac wanaagsan; caannimo; sharaf. 5. Shebeg lakabyo isa saaran ah, xanjo ka samaysan oo ay shinnidu malabka ku keydsato, ilmahana gashato.

dhegabbeel [m.l]
Waayidda nafley weydo awoodda maqalka. ld dhegabbeelid.

dhegabbeel [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-eelay, -eeshay)
Awoodda maqalka waayid (nafley).

dhegafarasow [m.l]
1. Maqalka dhegaha oo siyaado. 2. Sharqamo aan jirin oo la moodo in la maqday. 3. ld dhegafarasow¹.

dhegafarasow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
1. Maqalka dhegaha kordhid. 2. Sharqamo aan jirin maqlid..

dhegooley [m.dh]
Naag aan wax maqal.

dhegtaag [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
U dh.: wax maqalkooda u dhegraaricin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg