maqan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-qnaa, -qnayd)

1. Cid aan joogin ahaasnho. 2. Wax lumay shaanbo. 3. Qof maahsan ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maqan

la' [Fal Gudbe4 | Verb Transitive4] (-'aa, -'ayd)
Wax, wax ka maqanyihiin ahaansho.

xaadiri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Dad meel jooga si loo ogaado kan maqan iyo kan jooga, magacyadooda yeerin.

maahi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax maahsan ka dhigid; is m.: qof caqligiisu maqanyahay iska dhigid; is khaafin.

raadgoob [m.l]
Baarid la sameeyo si loo helo waxa maqani meesha uu maray. ld raad-goobid.

raadgoob [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Waxa maqan meesha uu maray baarid. 2. Wax maqan doonid.

raadgur [m.l]
1. ld raadgurid. Doonidda wax maqan meesha uu maray. 2. ld raadgurid. Baaridda arrin iyada oo la eegayo sidii ay u dhacday. 3. Tuug wax qaaday si uusan ula fogaan sixir lagu sameeyo.

raadgur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax maqan meesha uu maray doonid. 2. Tuug si uu u soo celiyo wixii uu qaaday sixrid.

raadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax raadkiisa doonid. 2. Wax maqan meesha uu ku suganyahay doonid. 3. Wax baarid.

raadso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Wax maqan daydayasho (qof). 2. Wax meel lagu ogaa ka doonasho.

aflaw [m.l] (-wyo, m.dh)
Qof ilkaha qaar ka maqanyihiin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg