maqrib
(m.l)

1. Galabnimada marka qorraxdu dhacdo. 2. (dii.) Salaadda la dukado marka qorraxdu dhacdo. ld makhrib.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maqrib

casar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Waqtiga u dhexeeya duhurka iyo maqribka. 2. Salaadda la tukado waqtiga casarka. ld casir.

fįid [m.l] (-dad, m.l)
Amminta u dhexeysa maqribka illaa cishaha.

fiid-dambe [m.l]
Xilliga u dhexeya maqribka illaa cishaha.

qorraxdhac [m.l]
1. Waqtiga ay qorraxda godkeeda gasho; maqrib. 2. Jahada ay qorraxdu u dhacdo.

shaafii [m.dh]
Duco carabi iyo soomaali isugu jirta oo ardayda quraanku maqribkii akhriyaan. ld shaafiin.

Moodaale []
Roob Maqribkii da'a.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg