marag
(m.l) (-gyo, m.l/dh; -gyaal, m.l/dh)

1. Qof wax dhacay goobjoog u ahaa; markhaati. 2. Arrin ama raad caddaynayo wax dhacay.

marag
(m.l)

Ceego. ld mereg.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh marag

dur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax caarad dhuuban cid ku mudid. 2. Cid dawo cirbad ku siin. 3. Marag, dood, iwm. iin u yeelid.

maragfur [m.l]
Sheegidda wax dhacay oo goobjoog loo ahaa la sheego. ld maragfurid.

maragfur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Wax dhacay oo goobjoog loo ahaa sheegid.

maragfurid [m.f.dh]
eeg maragfur². ld maragfur¹.

maragkac [m.l]
ld maragkicid.

maragkac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday; -kici)
Wax dhacay oo goobjoog loo ahaa sheegid.

maragkicid [m.f.dh]
eeg maragkac². ld maragkac¹.

maragmaddoonto [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
M. ah: dhacdo cad oo aan markhaati u baahnayn.

mar [m.l]
1. (-rar, m.l) Waqti la yaqaan oo bilow iyo dhammaad leh; goor, kol. 2. M.kayga, m.kaaga iwm: kolkayga, kolkaaga iwm. 3. M.kiiba: isla waqtigiiba, durba. 4. ld marid.

mar [m.dh] (-ro, m.l)
1. Wax walba ee dumarku dhexda ku xirtaan. 2. Qiimaha naagnimo.

mar [Xiriiriye | Conjunction]
1. (nax.) Isla m.ka ama isla m.kii: oraah lagu xiriiriyo weer waqtiley ah oo tilmaamaysa fal dhacay isla waqtigii midka weerta xorta ahi uu bilaabmayo. Tus. “Isla markii uu yimid shaqo ayuu bilaabay”. 2. (nax.) M.ka ama m.kii: oraah lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tus. “Markii uu Warsame dhoofay ayaan gegida dayuuradaha ka soo noqday”.

mar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Meel gudbid. 2. Dhaarasho. 3. Wax, wax ku duubid. 4. Wax baabuur iwm dardarid. 5. Nafley dabayl jin iwm ku dhicid. 6. Isku m.: wax xoog isku duubid. 7. Isu m.: laba meel oo kala jaho ah socod gaadiid iwm ku wada gaarid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg