mareer
(m.l)

1. Geed qodax lahayn, miro cas oo macaan, oo la cuno caleemo yaryar iyo ulo toosan leh oo geelu aad u jecelyahay. 2. Miraha geedka mareerka.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mareer ↴

docol [m.l]
Jaad geedaha ka mid ah oo mareerka u eg oo miro la cuno leh.

madag [m.dh] (-dko, m.l)
Qori gaaban oo sida badan geedka docolka, mareerka iwm laga qoro oo inta dhexda fantax yar looga yeelo ul yar oo af siman leh lagu fariisiyo, kaddibna xoog loo xurbiyo ilaa uu dab ka dhasho.

shaamareer [m.l]
Yaab aad u badan iyo filanwaa.

shaamareer [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Yaab aad u badan iyo filanwaa dareemid.

shaamareeri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Shaamareer ku ridid.

shaamareerid [m.f.dh]
eeg shaamareer².

shaamareerin [m.f.dh]
eeg shaamareeri.

shaamareersan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax shaamareer ku dhacay ahaansho (cid).

shaamareersanaan [m.f.dh]
eeg shaama-reersan. ld shaamareersanaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg