mariid
(m.l)

1. Waabaayo la mariyo fallaaraha, warmaha, iwm. 2. Geed mariidka laga liso. ld maliid, meriid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mariid

waabaayo [m.dh]
Dhacaan laga helo geedka waabay oo haddii wax yar laga, cabbo ama si kale oogada u gaarana loo dhinto ama bukoodo; sun; mariid. ld waabaay, waabay². waabaay, waabay, sun, mariid

waaray [m.l]
Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo meelaha uu ka soo bilowdo webiga Shabeelle iyo agagaarka magaalada Iimey. Qubleey, maanyo, manyiikay, libin.

ciddisiib [m.l]
Nooc ka mid ah mariidka oo nafleyda uu sababo ay ciddiyuhu ka dhacaan timihiina ka bidaan (waa kan ugu halisan).

dabbaan [m.dh]
Fallaar aan dheg lahayn oo sida waranka u dhuuban; lama saaro mariid, waxaa loogu talaggalay in ay wax naafayso.

goobyaal [m.l]
1. Geed dhuuban oo aan caleen lahayn oo mariid halis ah leh. 2. Qof aan tartammada ku guulaysan. 3. Warwareegidda la warwareego iyada oo wax ka sugayo.

huraanhuriye [m.l]
Nooc ka mid ah mariidka oo neefka ku rida neeftuur badan, sidii isagoo orod aad u dheer soo galay neefta ku xiranta dabadeedna wuu dhintaa.

libin [m.l]
Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo woqooyiga-bari ee Keenya; qubleey, maanyo, manyiikay, waaray.

maanyo [m.l]
Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo xeebta iyo Jubbada hoose, waxaa laga sameeyaa dhecaan geed; qubley, manyiikay, libin, waaray.

maliid [m.l]
ld mariid.

manyiikay [m.l]
Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo xeebta iyo Jubbada Hoose; waxaa laga sameeyaa dhecaan geed; maanyo, qubleey, libin.

mari [m.dh]
Lax saddex jeer ama ka badan dhashay.

mari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Xarig xooggan soohid. 2. Wadaan ceel biyo uga dhurid. 3. Dufan ama midab wax ku malaasid. 4. U m.: qof wax u akhriyid. 5. U m.: gabay cid u tirsin. 6. Cid rasaas ku layn. 7. Wax goob ku socodsiin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg