marmarsiinyo
(m.dh)

Sabab lagu caddeynayo wax dhacay; cudurdaar. ld marmarsiino.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh marmarsiinyo

afeef [m.f.dh]
Hadal, kolka la doodayo la hormarsado, og waxyaalo la oran doono marmarsiinyo looga dhigo, ama waxyaalo laga baqayo soo qaadkood lagu gudbo.

dayri [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Aabbe, ilmo uu ka quustay guriga ka cayrin. 2. (f.g) Nin, xaaskiisa, caruurtiisa iwm dhaqaale darrayn. 3. (f.mg) U d.: cid wax ay doonaysay, iyadoo marmarsiinyo been ah loo sheegayo in aan wax loo heli karayn u sheegid.

macduur [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
(dii.) M. ah: qof waajib uu gudan lahaa ka baaqdo cudurdaar awgii; marmarsiinyo haysto.

marmarsiino [m.dh]
ld marmarsiinyo.

marmarsiinyoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
1. Marmarsiiyo sheegid. 2. Ku m.: wax marmarsiinyo ka dhigasho. ld marmarsoo.

marmarsiinyood [m.f.dh]
eeg marmarsiinyoo. ld marmarsood.

marmarsoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
ld marmarsiinyoo.

marmarsood [m.l]
ld marmarsiinyood.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg