maroodi
(m.l) (-iyo, m.l)(c.nafl.) Naasleyda berriga ku nool midka ugu weyn oo leh gacan dheer oo uu ka neefsado, waxna ku laayo, labo-ilig waaweyn dhaadheer, qaali ah oo ka soo baxsan goomankiisa, iyo cago balballaaran oo aan faro lahayn oo ku nool Afrika iyo Hindiya.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maroodi ↴
oodjiid [m.l]
1. Dhigidda maroodi dhigo ood weyn jidka raxantu marto si uu ugu xujeeyo arbaha raxanta wada. 2. Xuja adag oo cid la hor dhigo. 3. Calaamad geediga loo sameeyo si uusan u habaabin ood yar dhulka loogu jiido.
uufannays [m.l]
1. U. ah: maroodi markaa dhashay ama beriyo jiray. 2. (m.l.u) U. ah: dad aan meel loogu hagaago lahayn. ld uufannaa.
askarmaroodi [m.l]
1. Qof aan ahayn shaqaale rasmi ah oo mararka qaarkood uu adeege ka yahay isbitaal, xero militari iwm. 2. Qof askari ahaan loo adeegsan jiray mararka qaarkood miyiga wax ka qaban jiray.
bilyaardi [m.l]
1. Ciyaar si habeysan iyo shuruuc gaar ah loogu ciyaaro ulo ama la'aan iyo kubbado adag, yaryar midabaysan oo faan maroodi ka samaysan oo miis gaar ahna lagu dul ciyaaro. 2. Miis afarta gees iyo dhexda lix god ku leh maro ku dahaarantahay oo ciyaarta b.ga lagu ciyaaro.
caskramaroodi [m.l]
ld askarmaroodi.
faan [m.dh] (-no, m.l)
1. Ilig dheer. 2. Foolasha maroodiga ee dhaadheer midkood.
foolmaroodi [m.l]
Labada ilig ee dhaadheer ee maroodiga gafuurkiisa ka taagan.
gacan [m.dh] (-cmo, m.l)
1. Xubinta faraha leh ee dadka wax ku qabsado. 2. Xubin dheer, madaxa maroodiga ka laallaadda oo uu wax ku qabsado kana neefsado. 3. Dhegta weelasha iwm.
maroodiyow [m.l]
(daaw.) Cudur xun, luga barariya oo dadka iyo xoolaha ku dhaca; abeesow.