marooji
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Si maroor ah wax u wareejin. 2. Maro qoyan isku duubid si ay biyuhu uga daataan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh marooji

daafad-xagleed [m.l]
(fiis.) Summad L. Taranta keynaanka xagleed ee walaxda (w) iyo wahsiga maroojiskeeda. Tus. “L = Iw”

caloolqabasho [m.dh]
Xanuun qabatin ah oo caloosha maroojiya; caloolxanuun. ld caloolqabad.

farammarooji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ka f.: qof wax gacanta ugu jirey xoog uga qaadid. ld farammaroori.

farammaroojin [m.f.dh]
eeg farammarooji. ld farammaroorin.

ilmarooji [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
U i.: qof u iljebin.

ilmaroojin [m.f.dh]
eeg ilmarooji.

labacidhifle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(fiis.) Labo saldanab oo isle'eg, isku lid ah, iskuna jira fogaan kooban. Taranta saldanabyada midkood iyo fogaanta u dhexeysa ayaa ah maroojinta labacidhifle.

majuuji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Maro qoyan, liin iwm xoog u maroojin si hooraha ku jiro looga saaro.

majuujiso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Maro iwm oo qoyan maroojin si biyaha looga saaro.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg