maroor
(m.l)Meesha nafleydu ka saxarooto.
maroor
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)Xarig, maro, iwm marooq yeelasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maroor ↴
farammaroori [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
ld farammarooji.
farammaroorin [m.dh]
ld farammaroojin.
farammaroorsad [m.l]
ld farammarooqsasasho.
farammaroorsasho [m.dh]
ld farammarooq- sasho.
farammaroorsi [m.l]
ld farammarooqsasho.
farammaroorso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
ld farammarooqso.
gumeysi [m.l]
1. Hab dawladaha waaweyni kaga maroorsadaan dawladaha yaryar xorriyaddooda, dhaqaalahooda iwm. 2. ld gumeysasho.
marooji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Si maroor ah wax u wareejin. 2. Maro qoyan isku duubid si ay biyuhu uga daataan.
marooqso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Cid wax gacanteeda ku jira xoog kaga qaadasho. ld maroogso, maroorso.
maro [m.dh] (-ooyin/-ryo, m.l)
Gabal dhar ah.
maro [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-rtay, -ratay)
1. (f.g) Naas geel maraq ku marasho. 2. (f.mg) Weel wax aan wax ku jirin noqosho. 3. (f.mg) Ku m.: dhar, xarig iwm meel ku duubasho.