marriin
(m.l)

1. Dharka haweenka. 2. Daliig midab leh oo maro marsan. 3. Qalab haweenku isku qurxin darteed u gashadaan. 4. ld mariimid.

marriin
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-iimay, -iintay; -iimi)

1. Qof haween ah dhar ay xirato u gadid. 2. Maro daliig midab leh ku qurxin. 3. Maro, darin iwm midabbo u yeelid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh marriin

fulful [m.l]
Raar geeddigu kala fogyahay oo aan marriin lahayn.

indhaddaalis [m.l] (-byo, m.dh)
1. Marriin qurxoon oo lagu sameeyo rarada iwm. 2. Ujuuro la siiyo cid wax qortay ama wax akhriday.

marriimid [m.f.dh]
eeg marriin². ld marriin¹ (4).

siisiib [m.l]
Raar wada cad oo aan marriin lahayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg