marro
(m.l) (-ooyin, m.l)1. Jilib qabiilo. 2. ld marre.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh marro ↴
qaalaamarrogasho [m.dh]
ld qaalmarrogasho.
qaalaamarrogo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-gtay, -gatay)
ld qaalmarrogo.
qaalmarrogad [m.l]
Rogmasho uu qof hawada dhexdeeda ku sameeyo mar ama laba. ld qaalmarrogasho.
qaalmarrogasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg qaalmarrogo. ld qaalaamarrogad, qaalaamarrogasho, qaalmarrogad.
qaalmarrogo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-gtay, -gatay)
Qaalmarrogad samayn. ld qaalaamarrogo.
ilmarrogad [m.l]
ld ilmarrogasho.
ilmarrogasho [m.f.dh]
eeg ilmarrogo. ld ilmarrogad.
ilmarrogo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-gtay, -gatay)
Minka gudihiisa isku gediyid (uurjiif).
marre [m.l]
(dii.) Qur'aanka caddaddiisa (114) oo hal mar la akhriyo. ld marro (2).
mar [m.l]
1. (-rar, m.l) Waqti la yaqaan oo bilow iyo dhammaad leh; goor, kol. 2. M.kayga, m.kaaga iwm: kolkayga, kolkaaga iwm. 3. M.kiiba: isla waqtigiiba, durba. 4. ld marid.
mar [m.dh] (-ro, m.l)
1. Wax walba ee dumarku dhexda ku xirtaan. 2. Qiimaha naagnimo.
mar [Xiriiriye | Conjunction]
1. (nax.) Isla m.ka ama isla m.kii: oraah lagu xiriiriyo weer waqtiley ah oo tilmaamaysa fal dhacay isla waqtigii midka weerta xorta ahi uu bilaabmayo. Tus. “Isla markii uu yimid shaqo ayuu bilaabay”. 2. (nax.) M.ka ama m.kii: oraah lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tus. “Markii uu Warsame dhoofay ayaan gegida dayuuradaha ka soo noqday”.
mar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Meel gudbid. 2. Dhaarasho. 3. Wax, wax ku duubid. 4. Wax baabuur iwm dardarid. 5. Nafley dabayl jin iwm ku dhicid. 6. Isku m.: wax xoog isku duubid. 7. Isu m.: laba meel oo kala jaho ah socod gaadiid iwm ku wada gaarid.