marsad
(m.l)ld marasasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh marsad ↴
sabaad [m.l] (-do, m.dh)
Dhaashi udgoon oo timaha la marsado oo laga sameeyo dhacaan ka yimaad qanjirrada mukulaal sabaadda.
boodhar [m.l]
Budo cad oo siigo ah udgoon oo waqtiga kuleylaha la marsado si ay dhidika u nuugto. ld boolbare, boolbire, bootar.
cusbur [m.l]
Budo midab hurdi ah leh oo qurxin awgeed haweenku u marsadaan.
dhaashi [m.l]
1. Dufan ama labeen udug leh oo oogada la marsado. 2. ld dhaashasho.
dhambacaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Seexasho qof caloosha hoos marsado.
fooldhaw [m.l]
Bun la dubay oo jirka la marsado.
hormarsad [m.l]
ld hormarsasho.
indhakuulan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
Wax indhakuul marsaday ahaansho (cid).
kuulan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
1. Qof wax indhakuul marsadey ahaansho. 2. Indhaha agagaarkooda madow ku leh ahaansho (sac iwm).
malaas [m.dh]
1. Dhoobo gaar ah oo madaxa la marsado si ay tiinta u caseeyso; xaraar; tarro. 2. Tin aad u jilicsan.