marsan
(f.g/mg4) (-naa, -nayd)1. (f.g) Haweenay maro ay xirantahay wax dhexda ka xiran ahaansho. 2. (f.mg) Wax midab, dufan iwm meel laga mariyey ahaansho. 3. (f.mg) Maro, darin iwm oo liid midabo ah lagu qurxiyey ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh marsan ↴
barafuumaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax barafuun marsan yahay ahaansho.
biladdaye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
1. Cad dhalo ah oo dhan midab dheeh lacageed ah iyo rinji ka marsan yahay oo la iska arko ama muuqaalka soo celisa; muraayad; mandarad. 2. Qalab qaab dhuun leh oo muuqaallada fog soo dhoweya.
bulukaati [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Bir-xaar dusha dheen dahab ahi ka marsanyahay.
dhooban [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bmay, -bantay; -bmi)
1. Wax badan oo meel isugu urursan noqosho. 2. Wax salaaxmay noqosho (guri, xafiis iwm). 3. Wax waabaayo marsantahay noqosho (fallaar, gammuun iwm).
dhooban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
1. Wax badan oo meel ku urursan ahaansho. 2. Wax salaaxan ahaansho (guri, xafiis iwm). 3. Wax waabaayo marsantahay ahaansho (fallaar, gammuun iwm).
horummarsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Cid horukac gaartay ahaansho.
horummarsanaan [m.f.dh]
eeg horummarsan. ld horummarsanaansho.
horummarsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld horummar-sanaan.
marriin [m.l]
1. Dharka haweenka. 2. Daliig midab leh oo maro marsan. 3. Qalab haweenku isku qurxin darteed u gashadaan. 4. ld mariimid.