marti
(m.l)(marti, m.dh) Qof laga soo dhaweeyey guri aanu lahayn.
marti
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)Dad laga soo dhaweeyey guri aanu lahayn.
marti
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-iyay, -iday; -iyi)M./u m.: cid marti u noqosho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh marti ↴
amarti [m.dh]
Isla weyni iyo kibir wadajira.
ardaaggal [m.l]
1. Marti u noqoshada reer gabar laga doonayo. 2. A. ah: nin reer uu gabar ka doonayo darteed marti ugu ah. ld ardaadhig¹.
ardaaggal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay; -geli)
U a.: nin reer uu gabar ka doonaayo darteed marti ugu noqosho. ld ardaadhig².
balashi [m.dh]
Diyaafad ama martiqaad weyn oo marti sharaf loo sameeyo.
carraabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax galab meel u kaxayn. 2. Marti is dhaafin.
deg [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. (f.g) Meel rug ah dhigasho (cid). 2. (f.g) Wax duulayey fariisasho. 3. (fg.) Xabbad turub ah bad dhigid. 4. (f.mg) Wax, biyo hoos ugu shiidid. 5. (f.mg) Dhul, webi iwm heerkooda hoos uga dhicid. 6. (f.mg) Wax isku qasan kala miirmid. 7. (f.mg) Wax kacsan xasilid. 8. (f.mg) La d.: cid khasaaro badid. 9. (f.mg) Ku d.: cid marti u noqosho.
dego [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-gtay, -gatay)
1. Shax, turub, iwm bad dhigasho. 2. Ku d.: cid marti u noqosho. ld deg² (3,9)
dhowee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-weeyay, -weysay)
1. (f.g) Wax, wax kale ag geyn. 2. (f.g) Cid sagootiyid. 3. (f.g) Cid martigelin. 4. (f.g) Weel wax lagu shubay muggiisa in yar ka dhinmid. 5. (f.mg) Soo dh.: cid qaabilid. ld dhawee.
dhowow [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-waaday, -waatay)
1. Cid si martinnimo iyo xurmo leh meel u fariisasho. 2. Soo dh.: cid meeshii ay joogtay meel ka sokeysa imaansho. ld dhawow.
golafariiso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
U g.: cid gabar laga doonayo marti u noqosho.
mar [m.l]
1. (-rar, m.l) Waqti la yaqaan oo bilow iyo dhammaad leh; goor, kol. 2. M.kayga, m.kaaga iwm: kolkayga, kolkaaga iwm. 3. M.kiiba: isla waqtigiiba, durba. 4. ld marid.
mar [m.dh] (-ro, m.l)
1. Wax walba ee dumarku dhexda ku xirtaan. 2. Qiimaha naagnimo.
mar [Xiriiriye | Conjunction]
1. (nax.) Isla m.ka ama isla m.kii: oraah lagu xiriiriyo weer waqtiley ah oo tilmaamaysa fal dhacay isla waqtigii midka weerta xorta ahi uu bilaabmayo. Tus. “Isla markii uu yimid shaqo ayuu bilaabay”. 2. (nax.) M.ka ama m.kii: oraah lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tus. “Markii uu Warsame dhoofay ayaan gegida dayuuradaha ka soo noqday”.
mar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Meel gudbid. 2. Dhaarasho. 3. Wax, wax ku duubid. 4. Wax baabuur iwm dardarid. 5. Nafley dabayl jin iwm ku dhicid. 6. Isku m.: wax xoog isku duubid. 7. Isu m.: laba meel oo kala jaho ah socod gaadiid iwm ku wada gaarid.