marxal
(m.l) (-llo, m.dh)1. ld marxalad (3). Fogaan maalin socod dhan. 2. Gar; daw; jid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh marxal ↴
waagii macdanka [m.l]
(waayahii ..., m.l) (jool.) Waagii dadku qalabka iyo hubka ay isticmaalaan ka samaysan jireen maar iyo tiin la isku dhafay. Waagani ma sheegayo waqti go'an oo taariikheed oo si taxane ah ugu xidhiidhsan dhacdooyin ka horreeyay; hase ahaatee, waagani wuxuu tilmaamayaa marxalad dhaqameed oo dadyow badan oo dunida ku nooli soo mareen, marka la eegayo horumarkii ay soo sameeyeen laga soo billaabo waagii alabka dhagxaanta laga samaysan jiray ilaa laga soo gaaro waqtigii la bartay qalabka xadiidka.
abeesaxambaar [m.l]
A. ah: ilmo ku jira marxaladdii gurguurashada.
afbarad [m.l] (-dyo, m.dh)
Ilmo yar oo ku jira marxaladdii hadal barashada.
fariisin [m.l]
1. Meel xoolo ama dad la dejiyey. 2. Hantida ugu horreysa ee macallin quraan laga siiyo arday markaas loo keenay. 3. Dhanka laga fariisto lo'da marka la lisayo. 4. Mingis-seeridda marxaladda labaad. ld fadhiisin².
gargaar-degdeg [m.l]
(daaw.) Habab takhtareed oo la adeegsado marxaladaha lama filaanka ah dhakhsana u baahan si loogu gargaaro qof dhaawacmay ama buka inta an isbitalka la jiifi.
gurguurad [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
G. ah: ilmo marxaladdii fadhiga iyo istaagga u dhexeeya oo jilbaha iyo labada gacmood ku socda.
kalagguur [m.l]
1. Labo reer kala guurid-dooda 2. K. ah: isbeddelka xilliyada, marxaladaha iwm.
marxalad [m.dh] (-do, m.l)
1. Sida wax xaaladdii ku sugantahay. 2. Muddo dhawr waqti loo qeybiyey mid ka mid ah. 3. ld marxal (1).
shahaado [m.dh] (-ooyin, ml.)
1. Qiritaanka la qiro tawxiidka. 2. (-ooyin, m.l) Warqad caddayn ah oo la siiyo qof marxalad waxbarasho dhammaystay. 3. Marqaati.