masaar
(m.dh) (-ro, m.l)

Qalab ka kooban daab iyo bir af leh oo geedaha iwm lagu gooyo; godin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh masaar

qaarri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Mindi, masaar, toorray iwm oo afbeeshay soofayn.

ahraam [m.dh]
Dhisma soo yaal ah oo Masaaridii hore dhistay oo leh shagli saddex-geesoole.

caleemasaar [m.l]
U boqridda cid loo boqro in ay bulsho madax u noqoto. ld caleemasaarid.

caleemasaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Qof in uu bulsho madax u noqdo u boqrid. ld caleensaar².

caleemasaarid [m.f.dh]
eeg caleemasaar². ld caleemasaar¹, caleensaar¹, caleensaarid.

dhilis [m.dh]
Mindida, masaarta, toorrayda iwm oo aan daab lahayn.

dhilli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Mindi, masaar, toorray, iwm daab ka saarid. ld dhilqi.

dhillis [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Mindi, masaar, toorray iwm oo aan daab lahayn. ld dhiliq.

dhillisan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax daabkii laga saaray ahaansho (mindi, masaar, toorray iwm). ld dhiliqsan.

dhilliso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Mindi, masaar, toorray iwm daab ka baxsasho. ld dhiliqso, dhilqiso, dhilqo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg