masaf
(m.l) (-fyo, m.dh)

Weel leh af ballaaran iyo dabo dhuuban oo daloosha oo hoorayaasha ku shuba weelasha afka dhuuban; dublad.

masaf
(m.dh) (-fo, m.l)

Saxan weyn oo caw, qabo iwm laga tolay, oo badarka la tumay lagu hufo; xaarin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh masaf

maanso [m.dh] (-ooyin, m.l)
Suugaanta qayb ka mid ah oo ka kooban waxyaabo badan oo la tirsho sida, gabayga, masafada, heesta iwm.

masafo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Nooc ka mid ah maansada oo wadaaddada khaas u ah.

mudac-middiil [Magac Lab | Noun Masculine]
Qalab bir ka samaysan, af fiiqan iyo dhex ballaaran oo wax goysa leh oo haanta, masafta iwm marka la samaynayo loo isticmaalo.

mas [m.l] (-sas, ml.)
1. Xammaarato aan lugo lahayn, dheereysa, nafleyda qaniinta, sun halis ahna leh. 2. Koombo yar oo miraha dalagga lagu cabbiri, u dhiganta nus madaal.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg