masal
(m.l) (-llo, m.dh)1. Tusaale. 2. M.kayga, m.kaaga iwm: wax, wax kale kala mid ah xagga dhaqanka, jimirka, dhererka iwm. ld masil¹, matal¹, matil¹, mesel¹, metel¹.
masal
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-alay, -ashay)1. (riw.) Filim, riwaayad iwm jilid. 2. Cid wakiil ka noqosho. 3. Ku m.: wax, wax kale ku qiyaasid. ld masil², matal², matil², mesel², metel².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh masal ↴
abeesalugaley [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Berribiyood afar addin, dabo dheer iyo harag leh oo yaxaaska u eg, kana jurmi yar; masalugaley; riyanuug.
bilmasal [Falkaab | Adverb]
Tusaale ahaan, misaal ahaan. ld bilmasil, bilmatal, bilmatil, bilmesel, bilmetel.
jawdheer [m.dh]
1. (bot.) Geed caleemo madmadow oo yaryar iyo laamo oo dhuudhuuban oo asal fiican leh. 2. (m.u) Laan la jaray oo mayraxdii laga gurtay oo engegtay oo ul laga dhigto ama la shito. 3. Masalle harag ah.
masacagaley [m.dh]
(c.nafl.) Masalugaley xammaarato weyn caws ku nool ah, oo socodka yaxaaska uga eg, oo leh maqaar adag, iyo afar addin oo aan nafleyda qaniin, sunna lahayn. ld mansacagaley, mansalugaley, mansalugooley.
masalaggaab [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
M. ah: nin aan cilmi badan lahayn.
masalan [Falkaab | Adverb]
Tusaale ahaan, misaal ahaan. ld matalan.
masalid [m.f.dh]
eeg masal². ld masilid, matalid, matilid, meselid, metelid.
masallaf [m.l]
ld musallif¹.
mas [m.l] (-sas, ml.)
1. Xammaarato aan lugo lahayn, dheereysa, nafleyda qaniinta, sun halis ahna leh. 2. Koombo yar oo miraha dalagga lagu cabbiri, u dhiganta nus madaal.