masar
(m.l) (-rro, m.dh)

1. Maro yar midabbo leh, jilicsan oo haweenku gambaystaan; fasaleeti. 2. Gabal maro ah, oo loogu talagalay dhididka, diifka iwm in la isaga tiro.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh masar

biil [m.l]
Kharash maalmeedka ama bileed; masaruuf.

biil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-iilay, -iishay)
Kharash maalmeed cid bixin; masaruufid.

fasaleeti [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Maro yar oo afka lagu tirto. 2. Maro yar oo midabo leh oo haweenku madaxa saartaan; masar. ld safaleeti.

khamsiin [m.l]
(juqr.) (Carabi) Dabayl koonfurlayda kulul oo qallalan oo ka dhacda masar, waxay la xiriirta sirookada woqooyiga Afrika.

masarafad [m.dh] (-do, m.l)
Dhawraarin yar oo caws ka samaysan, oo cunnada gogosha laga xijiyo.

nafaqo [m.dh] (-ooyin, ml.)
1. Cunnada nafley cunto inta nuxurka leh; dux. 2. Cunto; masaruuf.

shaash [m.l] (-shash, m.l)
1. Timo dhaadheer oo ka baxa qoorta libaaxa lab iwm. 2. Masar sida badan xariir ah, midabbo badan leh oo dumarku madaxa ku xirtaan.

mas [m.l] (-sas, ml.)
1. Xammaarato aan lugo lahayn, dheereysa, nafleyda qaniinta, sun halis ahna leh. 2. Koombo yar oo miraha dalagga lagu cabbiri, u dhiganta nus madaal.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg