masawir
(m.l) (-rro, m.dh)1. Aaladda wax sawirta. 2. Muuqaal ka taagan wax oo lagu daabacay warqad. loox, derbbi iwm iyada,oo la adeegsanayo gacan ama qalab kale. 3. Shaxan, jaantus. ld taswiir.
masawir
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)1. Muuqaalka ka taagan wax laftiisa warqad, loox derbi, iwm ku daabicid iyada oo la adeegsanayo gacan ama qalab kale. 2. Shaxan ama jaantus sawirid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh masawir ↴
masawirid [m.f.dh]
eeg masawir².
sawir [m.l] (-rro, m.dh)
1. Muuqaal u eg nafley ama wax kale oo gacanta lagu masawiray ama aalad wax sawirta. 2. Qof aan caqli lahayn; nacas.
taswiir [m.dh]
ld masawir.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg