masay
(m.dh)

Cutub caws ah oo dusha looga maro geeddi (xarig yar), marka la samaynayo raar, raarkuna kuwaas oo badan uu ka koobmo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh masay

buuxiye [m.l]
In yar oo caws ah oo lagu kordhiyo masayda marka ay isdhinto.

ciyibidix [m.dh]
Ciyi loo leexshay bidix oo lagu daray masaydii bidixda ka jirtay masayda ciyiga laga qabtay, marka raarka la sameynayo.

ciyimidig [m.dh]
Ciyi midig loo leexiyey si loogu daro masayda midigta ka jirta masaydii ciyiga laga qabtay, marka raarka la samaynayo.

hinaase [m.l] (-sayaal, m.l/dh)
1. Hinaas. 2. Qof masayr badan.

hinaasi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid masayr ku abuurid.

lugkaliley [m.dh]
L. ah: rarada aan masaydeedu ciyiga lahayn.

masayr [m.l]
1. Cuqdo qof qaado marka uu ogaado qof uu jeclaa inuu qof kale xiriir la leeyahay. 2. U quuriwaayidda qof kale oo wax uu haysto loo quuri wayo.

masayr [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Qof masayr ku beermid. 2. Qof wax haysto u quuriwaayid.

masayri [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
M./ka m.: cid masayr ku beerid. ld masayrsii.

mas [m.l] (-sas, ml.)
1. Xammaarato aan lugo lahayn, dheereysa, nafleyda qaniinta, sun halis ahna leh. 2. Koombo yar oo miraha dalagga lagu cabbiri, u dhiganta nus madaal.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg