masdar
(m.l) (-rro/-saadir, m.dh)(nax.) Magac-faleedka falka, yacni waa qaab faleed aan ku dhicin isrogrog la xariira tirada, caynta iyo amminkaba; badanaa waxaa la raaciyaa fal ka kaaliya xagga nadooca. Tus. “Axmed wuu akhrin karaa”, “Wiilasha way akhrin karaan”. ld mesder.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh masdar ↴
falkaaliye [m.l]
(nax.) Fal loo adeegsado in uu fal kale oo qaab masdar leh ka kaaliyo xagga habka, muuqaalka, amminka, qofka, tirada iwm; waxaa ka mid ah “jir”, “doon”, “leh”; waxaana loo adeegsadaa ammin iyo hab go'an. Tus. “Kubbad buu cayaari jiray”.
masaadir [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
eeg masdar.
masdarad [m.dh] (-do, m.l)
Qori xalleefsan oo qaybo isle'eg qaybsan, oo wax lagu cabbiro, ama xarriiqaha lagu sadriyo. ld masdaro, mastarad, mastaro.
masdaro [m.dh]
ld masdarad.
mastarad [m.dh]
ld masdarad.
mastaro [m.dh]
ld masdarad.
mesder [m.l]
ld masdar.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg