masiibo
(m.dh)ld musiibo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh masiibo ↴
calaamo [m.dh]
1. (-ooyin, m.l) Tilmaan gaar ah oo wax leeyahay oo waxyaabaha la nooca ah looga garto; astaan. 2. Belo; masiibo. 3. C. ah: curyaan. ld calaamad.
cawraysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
1. Wax masiibo ku dhacay ama la ileystay ahaansho. 2. Wax ceebaysan ahaansho.
daahiyad [m.dh]
1. Dhibaato waxyeello weyn leh; masiibo; belo. 2. Qof aad u caqli badan oo iloodi ah.
dalankac [m.l]
1. Masiibo. 2. ld dalankicid.
feleg [m.l]
1. Cilmi al f.: xiddigaha wareeggooda iyo sida ay dadka u saameeyaan. 2. Xiddig weyn. 3. (-gyo, m.dh) Ayaandarro, dhibaato, hoog, masiibo. ld falag.
leelleel [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-eelay, -eeshay)
Qof masiibo la kulmid.
leelleelsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax masiibo la kulmay ahaansho.
leelleeltir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Cid masiibo ku dhacday wax siin.
musiibo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Dhibaato weyn; belaayo; hoog. ld masiibo, masuubo.