masiixi
(m.l) (-iyiin, m.dh)

(dii.) Qof diintii nebi Ciise haysta.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh masiixi

baabaha masiixiga [m.l (dii.)]
Waa ninka ugu sarreeya baaderiyaasha diinta masiixiga;boobka. boobka

baadari [m.l] (-iyaal, m.l/dh)
(dii.) Wadaad fidiya diinta masiixiga. ld baaderi. baaderi

dimmi [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Dad masiixi ama yuhuud ah oo dalal muslin ah si nabadeed ugu noolaada.

disembar [m.dh]
Bisha 12aad ee sanadka Masiixiga. ld diisembar.

injiil [m.l]
(dii.) Axdiga Cusub. Qeyb ka mid ah kitaabka kirishtaanka kaasoo la xiriira noloshii Nebi Ciise, iyo diinta Masiixiga Kaniisadii hore ee Masiixiyiinta.

juunyo [m.dh]
Bisha lixaad ee sanadka masiixiga.

kaniisad [m.dh] (-do, m.l)
Meel dhisan oo ay masiixiyiintu wax ku caabudaan.

katoolig [m.l]
(dii.) Madaahibta diinta masiixiga mid ka mid ah.

kirishtaan [m.l] (-nno, m.dh)
(dii.) Nin aaminsan diinta Masiixiga.

kirishtaanad [m.dh] (-do, m.l)
(dii.) Haweeney aaminsan diinta Masiixiga.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg