maskax
(m.dh) (-koxo, m.l)1. (c.nafl.) Dhuux weyn, cad lafta madaxa gudaheeda ku jirta oo xukunta garashada, hadalka, maqalka, aragga, dhadhanka, urta iyo dhaqdhaqaaqa nafleyda. 2. Garaad, caqli.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maskax ↴
haad [m.l]
1. Buunshe. 2. H. ah: qof fudfudud.
3. Xad. 4. (-dad, m.l) Hal turub afartiisa qaybood mid ka mid ah. 5. Inta qof hal mar isku cuno (turub). 6. Dhinaca loo oggolyahay in baabuur waddada ka maro. 7. Cudur maskaxeed geela ku dhaca.
jaahwareer [m.l]
1. Qas iyo shaki maskaxda galay wax lala garan waayo. 2. ld jaahwareerid. jaahwareerid
jaahwareer [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Qas iyo shaki maskaxda galay wax la garan waayid. ld jahawareer². jahawareer
idiyaalismo [m.dh]
Aragti ku dhisan falsafad leh in aqoontu ay tahay miro maskaxeed.
qaaddan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qof aan maskaxdiisu dhammeyn ahaansho; derderan.
qaafil [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate] (-llo/-liin, m.dh)
1. Q. ah: qof aan si sahlan wax lagu dhacsiin karin. 2. Xog ogaal la'aan. 3. Qof maskaxdiisu meqantahay, maahsan.
raamayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Raan yeelasho (qof ama geed). 2. Qof maskaxda wax uga dhimanyihiin noqosho.
saaxi [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
S. ah: qof maskaxdiisu tamaam tahay.
unug-maskaxeedka dhaqaaqa [m.l]
(c.nafl.) Unugyada sameeya mareennada u dhexeeya maskaxda iyo xubinta dhaqaaqa, (muruqa, lafaha) midkood.
ureed [m.l] (-dyo, m.dh)
(baay.) Dareenka urta ama dariiqadda wax lagu uriyo; tani oo lagu helo qaabilayaasha urta ama qaabilayaasha ku jira organnada ureed, sida sanka, kuwaas oo xasaasi u ah hawada ama kiimikooyinka ka dhasha biyaha. Nashaadinta qaabilayaashaasi waxay sababtaa inay u gudbiso wararka maskaxda iyaga oo sii maraya dariiqa dareen wadaha ureed.