maslax
(m.l)

1. Heshiis la dhex dhigo laba dhinac ama ka badan oo muransan. 2. ld maslixid.

maslax
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-xay, -xday; -lixi)

1. Laba qof oo dagaalsan heshiisiin. 2. Cid wax ay gocanayso ama ka carootey ku raaliggelin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maslax

ladqabee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-beeyay, -baysay)
1. (f.g) Qof caraysan maslixid. 2. (f.mg) Kala l.: laba qof ama ka badan oo dagaashan maslaxo dhex dhigid.

ladqabo [m.dh]
1. Dhexdhexaadin iyo maslaxo laga dhex dhaliyo dad dagaashan. 2. ld laqdabo.

masaaliix [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
eeg maslaxad.

maslaxaad [m.dh]
ld maslixid.

maslaxad [m.dh] (-do, m.l/-saliix, m.dh)
Dan, faa'iido. ld maslaxo.

maslaxo [m.dh]
ld maslaxad.

maslixid [m.f.dh]
eeg maslax². ld maslax¹ (2), maslaxaad.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg