mataan
(m.l) (-no, m.l)

1. Labo ilmood oo hooyo isla mar dhashay midkooda labka ah. 2. Labo waxyaalood oo laysugu magac daro.

mataan
(m.dh) (-no, m.dh)

1. Labo ilmo oo hooyo isla mar dhashay midkooda dheddigga. 2. Laba waxyaalood oo laysugu magacdaro ama la israaciyo. 3. Ceel af dhuuban, biyo badan oo ceelal kale ku dhow.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mataan

laag [m.l]
1. Fac; asaag; mataan. 2. (m.l./dh) Meel biyo baxeen oo haadaan ah.

laako [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Laangeed oo labo qaybood u kala baxdo. 2. Mataano. 3. Fallaar, dabbaanta ka yara ballaaran oo aan dhega lahayn.

laashin [m.dh] (-imo, m.dh)
Laba laamood oo mataano ah middood.

dheelmataan [m.l]
Socod habeenkii la socdo. ld dheelmasho.

harmataan [m.l]
(juqr.) Dabayl xoog leh oo ka soo dhacda woqoogi-bari oo saamaysa galbeedka Afrika. Waxay si toos ah uga soo dhacdaa lamaddegaanka Saxara, waa kulayl, qallalayl, booryley - iyadoo sidaas u kulul una qallalan ayay haddana kala dillaacisaa jiridaha geedaha.

lid [m.l]
(nax.) Labo erey oo mataana ah oo micnahoodu iska soo horjeedo sida: “dheer/gaab”, “weyn/yar” iwm; cagsi.

maro-masaar [m.l]
1. Wiil, gabadh dabakeen ah ku mataansan oo la aaminsanyahay in uu falxad yahay. 2. Wan ama waxar dabakeen ku mataansan.

mataanayn [m.f.dh]
eeg mataanee.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg