mataatax
(m.l)1. M. ah: hilib karis ka batay awgiis aad u jilcay. 2. Maro duugnimo awgeed aad u jilicday. 3. Miro aad u bislaaday. 4. ld mataatixid. ld motootax¹, mutuutax¹.
mataatax
(m.l)(fiis.) Dhalan-rogga bu'kaahfale ihi iskeed ugu beddelanto bu'farcan ah taas oo ah ama aan ahayn kaahfale. Marka bixitaanka hal ama in ka badan oo saxarro ama footoono ah.
mataatax
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-xay, -xday; -tixi)1. Hilib karis ka batay oo aad u jilcay noqosho.2. Maro aad u duugowday noqosho. 3. Miro aad u bislaaday noqosho. ld motootax², mutuutax².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mataatax ↴
cimri-badheed [m.l] (-dyo, m.dh)
(kiim.) Qiimaha kala badhka waqti. Waa amminta (ama xilliga) curiye kaahfale ahi ku kala badhmo marka uu mataataxo. Cimri-badheedyada iskugodyadu way kala geddisanyihiin - qaarkood aad iyo aad bay uga yaryihiin ilbidhiqsiga; qaarna waxay gaadhaan dhawr milyan oo sano.
cimri-badh-kaahfaleed [m.l] (-yo, m.dh)
(kiim.) Amminta ay ku qaadato in badhka bu'da kaahfal ku mataataxdo (N = 1/2 No); mataatax.
mataatax-biita [m.l] (-xo ..., m.l)
(fiis.) Doorsoonka kaahfaleed ee bu'atam ay noqoto iskugodka atamka xiga, ayna weheliso bixinta elektaroon ama burotoon bu'da soo baxda waxa ay leedahay cuf atameed le'eg tan bu'da asalka ah, waxase ay ku kala geddisanyihiin tiro atameedka xaddi hal ah.
mataataxsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Hilib karis ka batay oo aad u jilcay ahaansho. 2. Maro aad u duugowday ahaansho. 3. Miro aad u bislaaday ahaansho. ld motootaxsan, mutuutaxsan.
mataataxsanaan [m.f.dh]
eeg mataataxsan. ld mataataxsanaansho, motootaxsanaan.
mataataxsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld mataataxsanaan.
mataatixid [m.f.dh]
eeg mataatax³. ld mataatax¹ (4), motootax¹, motootixid, mutuutax¹.