matoor
(m.l) (-ro, m.dh)

ld motoor.

matoor
(q.t./m.l)

(fiis.) Matoor danab oo u habeysan in uu ku shaqeeyo qulqul talantaaliya.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh matoor

baabuur [m.l] (-rro, m.dh)
Gaadiid dhuleed matoor leh oo dadka iyo xamuulkaba qaada.

waal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
1. Qof wax maskaxda lagaga jiro ka dhigid. 2. Is w.: qof waalan iska dhigid. 3. Qalabka matoorrada mid ka mid ah oo qarxinta shidaalka ka qaybgala.

baaskiil [m.l] (-llo, m.dh)
Gaadiid laba lugoodle ah, aan matoor lahayn oo lagu socodsiiyo lugaha. ld Bushkuleeti, bushkaleeti.

batrool [m.l]
1. Baansiin. 2. Saliid qaali ah, laga qodo dhulka, loo adeegsado shidaalka matoorrada oo marka la sifeeyo laga helo nafto, baansiin, gaas iwm.

betrooliyam [m.l]
(kiim.) Iskujir haydarookaarboonno ah oo asal ahaan ka samaysmay xayawaanka iyo dhirta badaha, lagana helo ubucda dhulka iyaga oo jiifa (ku xanniban) lakabyo dhagax ah dhexdood. Waxa lagu soo saaraa xeeladda riigga (waxa kale oo lagu magacaabaa saliid cayriin). Qaybta ugu muhiimsani waa: naaftada (saliid neefeed), gaaska (baarafiin) iyo bensiinka oo loo adeegsado shidaal matoor ahaan (betrool).

dhugdhugle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Gaadiid yar oo laba shaag iyo matoor leh oo hal qof ama laba qaadi kara. ld dhugdhugley.

gaari [m.l] (-iyo, m.dh)
1. (gawaari, m.dh) Gaadiid dhuleed matoor leh oo dadka iyo xamuulka lagu qaado. 2. Gaarigacan.

gaarigacan [m.l] (-nno, m.dh)
Gaadiid dhuleed yar, matoor lahayn, gacanta lagu wado oo hal shaag leh. ld gaarigacmeed.

guux [m.l]
1. Cod weyn oo cunaha awr, goray iwm ka soo baxa. 2. Codka matoorrada. 3. Cudur geela cunaha ka barariya. 4. ld guuxid.

guux [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday)
1. Cod weyn sameyn (awr, goray iwm). 2. Matoor cod samayn. 3. U g.: wax u riyaaqid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg