mawe
(m.l)ld wamme.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mawe ↴
isle'egyo-seegmaweydo [m.dh]
(xis.) Urur isle'egyo ah oo doorsoomeyaashoodu ay wada raaliggelin karaan ugu yaraan hal urur furfuris. Tusaale ahaan: isle'egyada x + y = 2 iyo x + 4y = 6 waxa raaligeliya x = 2/3 iyo y + 4/3. Isle'egyada x + y = 4 iyo x + y = 9 ma aha seegmaweydo waayo ma jiro lammaane qiimeyaal oo wada raaligeliya labada isle'eg.
seermaweydo [m.dh]
Xilli roobab xoog badan da'aan oo bartamaha guga ah.
soormaweydo [m.dh]
Xilli guga bartankiisa ah oo roob badani da'o.
wamme [m.l]
Geed yar oo jilicsan oo lugtool ah oo korna ubax qurux badan ku yeesha, hoosna buruq kuusan oo kulul oo biir leh, oo xoolaha lagu dhacariyo, layskuna daweeyo. ld mawe.
ma [qr.diid]
Qurub tilmaamaya in weerta falkeeda uu yahay fal diidmo. Tus. “Cali ma imaanayo”.
ma [qr.we]
1. Qurub tilmaama in ay su'aali
saaran tahay ereyga uu weheliyo. Tus. “Cali ma yimid?”, “Ma Cali baa yimid?”, “Ma waxaa yimid Cali?”, “Ma waad imaanaysaa?”.
2. Qurub tilmaama in ay su'aali saarantahay erayga uu ku nudanyahay. Tus. “Goorma?”, “Inma?”, “Idinma?”, “Kuwama?”. 3. Qurub ka muuqda su'aal ee qof lagu dhiirigelinayo in uu fal sameeyo. Tus. “Maad iska celisid
qofkaa?”.
ma [x.i] Mase: ama
ld mise.
ma [m.l]
1. Meel. 2. (qr.we) Mehee?: meeshee?.