maxay
(e.we)

1. Erey weyddiimeed oo ka kooban 'maxaa'iyo 'ay', labo xaaladood ayaana loo adeegsadaa, sida: a) “Waa maxay?”; b) “Maxay doonaysaa ama doonayaan?” 2. Erey lagu xiriiriyo weer sababley ah; sababtu waxaa weeye; maxaawacay; maxaayeelay; waayo. Tus. “Shalay kuuma imaan, maxaajiraa, hawl baan lahaa”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maxay

waayo [e.we]
1. Waa ayo?, waa kuma? 2. Sababtu maxay tahay?

ina [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koobaad ee wadarta ah, oo aan kuwa lala hadlayaa ku jirin. Tus.: “Ninku waa ina wada arkay ee maxaynu samaynaa?” ld inna³.

mahaysato [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Dad aan hanti ku filan haysan; sabool. ld maxaysato.

maxaajiraa [e.we]
ld maxay.

maxaawacay [e.we]
ld maxay.

maxaayeelay [e.we]
ld maxay.

maxaysato [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
ld mahaysato.

sidee [fk.we]
Habkee; xaaladdee?; waxee?; maxaa? maxay ku noqotay?. ld see.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg