mayddi
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine)(bot.) Geed-quwaax dhererkiisu meel dhexaad yahay, qodax lahayn, caleen yaryar iyo laamo jilicsan leh,oo ka baxa buuraha dhaadheer iyo dhadhaabah korkooda, oo dhale xabag udgoon oo la shito.
mayddi
(m.dh)Nooc ka mid ah faleenka oo ah geedka ugu heer sarreeya.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mayddi ↴
yagcar [m.dh]
(bot.) Geedka mayddiga dhalo.
luubaan [m.dh]
Xabag ka baxda geedaha xijiga ah oo udgoon, la shito; mayddi, foox.
luubaandakar [m.l]
Xabagta mayddiga.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg