mayro
(m.dh)Geed timirta, baarta iwm u eg oo caw jilicsan baxsha; maniiqo. ld mayr¹.
mayro
(Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3) (-rtay, -ratay)1. (f.g) Wax, sida dhar iwm biyo ku dhaqasho. 2. (f.mg) Qubaysasho (qof).
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mayro ↴
jaafi [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. J. ah: shay qiro leh. 2. Derin weyn oo ka samaysan caw baar ama mayro oo labadeeda dhinac duf lahayn.
dermo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Gogol laga sameeyay caw, caws, mayro iwm. ld derin.
farammayro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
ld faraxalo.
mayr [m.dh]
Caws waaweyn ama caw rarada laga sameeyo. ld mayro.
mayrasho [m.f.dh]
eeg mayro².
qasil [m.l]
1. Caleenta geedka gobka oo shiidan oo loogu qabeysto saabuun ahaan. 2. ld qasaasilid. Mayrista cuntada qaarkeed sida bariiska iwm la mayro inta aan la karin.
silsil [m.l]
1. Gilgilidda badar iwm oo la kala soocayo weel ballaaran gudihiisa lagu gilgilo. 2. Biyo yar oo badar lagu mayro.
weeso [m.dh]
1. (dii.) Mayrid la mayro xubnaha qaarkood oo faral ah,la'aanteedna ayan salaadu ansixi karin. 2. (dii.) Biyo yar oo xubnaha qaarkood lagu mayro si loo tukado. 3. (-ooyin, m.l) Ubbo. ld weyso.