meersan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

Wax, wax kale ku dulwareegsanyihiin ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh meersan

barqorraxeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.fal.) Bar qorraxda dusheeda ah, marmarka qaarkoodna waxa laga arki karaa lakab daruureed khafiif ah ama muraayad madow isha qaawan. Bilowgeedu wuu qarsoonyahay, laakiin waxa la rumaysanyahay inuu ka koobanyahay neefo ku meersan gibilka qorraxda.

bowdlameersan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax bowdlameeri la mariyey ahaansho.

bowdlameersanaan [m.f.dh]
eeg bowdlameersan. ld bowdlameersa- naansho.

bowdlameersanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld bowdlameersanaan.

hareereysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax hareer kasta looga meersan yahay ahaansho.

meersanaan [m.f.dh]
eeg meersan. ld meersanaansho.

meersanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld meersanaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg