meerto
(m.dh) (-ooyin, ml.)1. Si wareegto ah oo wax loo qaybsado; kaltan; miilo. 2. Meermeerto; mid². 3. M. ah: geel karreeb ah. 4. Marti muddo gaaban joogto.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh meerto ↴
meermeerto [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Biyo mool ah oo xiis hoos ku leh. 2. Kukta madaxa meesha ay timuhu wareegga ka billaabaan. ld meertammeerto.
meertada kaarboon [m.dh]
(baay.) Silsilad ama dhacdooyin meerto ah, taas oo ah wareegidda kaarboonka ee degaanka iyo noolayaasha. Dhirtu waxay ka qaadataa kaarboon laba ogsaydh gibilka, waxaanay u beddeshaa kaarboonaydraytyo, borotiino iyo dux. Qaar ka mid ah kaarboonka laba ogsaydh waxay dib ugu noqdaan gibilka dhirta waxa cuna daaq cunayaasha, kuwaas oo iyagana ay sii cunaan hilib cunayaashu. Marka ay daaq cunayaasha iyo hilib cunayaashu dhintaan waxaa quuta bakhti-ku-noollada iyo kala-bixiyayaasha, sidaa darteed kaarboonku wuxuu ku noqdaa ciidda ama wuxuu gelaa gibilka, isaga oo ah maxsuulka neefsashada bakteeriyada iyo fangiga.
meertada Kerb [m.dh]
(baay.) Qayb ka mid ah neefsashada unugyada, kaas oo asiidha bayruufig marka ay ogsajiin joogto, way marto meerto kakan oo falgal isnaym xukumo ah, una soo saarta tamar qaab ah ATP, iyo kuwo dhexe oo soo saara walxo kale, sida asiidh duxeed iyo amiino-asiidhyo. Meertada Kerb waxay ka dhacdaa mitokondoriyada.
meertammeerto [m.dh]
ld meermeerto.
meertayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Si meerto ah wax u qaybsasho.
meer [m.l] (-rar, m.l)
1. Xarig dheer oo lagu wareejiyo aqal soomaaliga dadkiisa sare, si aysan dabayshyu u qaadin. 2. ld meerid.
meer [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Socod wareeg ah socosho. 2. Ku m.: xarig wax ku xirid. 3. Ku m.: maal, derejo iwm cid kale ku wareegid.