meher
(m.l) (-rro, m.dh)

1. Heshiis diini ah oo isu xira nin iyo naag isguursanaya. 2. Maal naag la guursanayo lagula heshiiyo oo ay si sharci ahaan ah ninka ugu yeelato. ld mahar.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh meher

ooriyo [m.dh]
Hanti ganaax ahaan looga qaado nin mehersaday gabadh nin kale u dooneyd.

wacal [m.l] (-llo, m.dh)
Wiil aan meher xalaal ah ku dhalan. ld wecel¹.

wacal [m.dh] (-lo, m.dh)
Gabar aan meher xalaal ah ku dhalan. ld wecel².

ablaawe [m.l] (-wayaal, m.l/dh)
1. Qof aan ciddii uu ka soo farcamay la aqoon. 2. Qof aan meher ku dhalan; wacal; garac.

arijir [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
A. ah: qof mehereddiisu tahay ari raacid.

booji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Qof madax furasho laga rabo xoog ku kaxayn; afduubid. 2. Gabar guur laga rabo xoog ku kaxayn si loo soo mehersado; dhicid.

bowd-dumis [m.l]
Xaal laga qaado nin naag meher xaday.

farakh [m.l] (-khyo/furuukh, m.dh)
Ilma aan meher xalaal ah ku dhalan; wacal; garac.

faraxumee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-meeyay, -meysay)
Qof dumar ah oo aan kugu mehersanayn si qasab ah ugu tegid.

gadaalkagaar [m.l]
Qof dhawaan meherad, balwad iwm bilaabay oo aan waaya-aragnimo u lahayn. ld gadaalmagaar.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg