mici
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine) (-iyo, m.l/dh)1. Ilkaha fiiqfiiqan ee u dhexeeya foolaha iyo gawsaha midkood. 2. Dalag meseggo, galley iwm oo markaa soo baxaaya.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mici ↴
jaamici [m.l] (-iyo/-iyiin, m.dh)
Qof ay u dhammaatay waxbarasho jaamacadeed.
agab [m.l]
1. Faa'idada iyo waxtarka ay cidi leedahay. 2. Ciirsi; miciin.
ciirsila' [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-'aa, -'ayd)
Meel cidla'ah oo aan wax la miciinsado joogin.
cusko [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-kaday, -katay)
1. Ul, derbi, geed iwm tabaryari awgeed miciinsasho. 2. Fikrad ama qodob sharci xigasho. 3. Eebbe miciin ka tuugid.
dhool [m.dh]
1. Ilkaha foolasha iyo miciyaha u dhexeeya midkooda. 2. Masaar yar oo geedaha yaryar lagu gooyo.
dhoollatus [m.l]
1. Isu miciyalisashada awrta qooqan. 2. Xoogga cidi leedahay oo la soo bandhigo si cadowga loogu niyad jebiyo. 3. Fulabbajis; bowdaqaawis. 4. ld dhoollatusid.
dhoollatus [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-say, -stay)
1. Awrta qooqan isu miciyallisasho. 2. Xoogga qolo leedahay muujin, si cadowgu u arko oo u tixgeliyo. 3. Fulabbajin. ld dhoollatuso.
dulmici [m.l]
Duudseef.
jimiimicid [m.f.dh]
eeg jimiimic².
lool [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oolay, -ooshay)
1. Awr si aan toos ahayn awr kale mici ugu dhufasho. 2. Laal ciyaarid.