midab
(m.l) (-bbo/-byo, m.dh)1. Marka fallaaraha ilaysku ku dhacaan walax ee ay ka soo noqdaan, muunadda ay isha tusaan: sida casaan, cagaar iwm. 2. Nooc ka mid ah kalluunka oo yaryar, oo sharaxsharax leh.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh midab ↴
ba [qr]
(-ba) 1. (nax.) Qurub lagu adkeeyo diidmada. Tus. “Waxba ma aha”. 2. (nax.)Mid kasta; wax kasta. Tus. “Nimba si ayuu u qaatay”. 3. (nax.) In badan. Tus. “Wuxuu
doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tus.
“Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (nax.) Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba galabtii buuiska tegay”.
ba' [m.fg1] (-'ay, -'day; -bi'i)
1. Hoog iyo dhibaato aad u weyn la kulmid. 2. Ka b.: xaalad leh gaajo, harraad, ciil iwm ka bixid.
3. Ka b.: midab, wasakh iwm meel ay
yaalleen ka tirtirmid.
ubax [m.l]
Qaybaha geedka qayb ka mid ah oo
xubnaha dhalidda iyo abuurku soo maraan;
waa caleemo midabyo badan oo qurxoon;
xay; man.
daabac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -bici)
1. Xarar ku qurxin dhar iyadoo la adeegsanayo dun midabyo leh ama rinjii. 2. Qoraallo madbacadayn.
saabbuunmadow [m.dh]
Saabbuun dharka lagu dhaqdo oo leh midab madow buluug xigeen ah.
aalkol [m.l]
Dareere aan midab lahayn oo dabka
qabsan og, boogahana lagu dhaqo. ld aalkolo. aalkolo
kaadicaso [m.dh]
1. Cudur lo'da ku dhaca oo
shilintu keento midabka kaadiduna guduud
ka dhiga. 2. Cudur kelyaha dadka ku dhaca
oo kaadida caseeya.
yaaquud [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Nooc ka mid ah dhagxaanta qaaliga ah oo dhawr midab oo kala duwan u sii kala baxa.
gaaf [m.l] (-faf, m.l)
1. Xaflad loo sameeyo labada is aroosay maalinta ay toddoba baxayaan. 2. Dhisme ku meelgaar ah. 3. Kaltan. 4. Dad shir u fadhiya looga arrinsanayo xaajo waxku'ool ah. 5. Hareer. 6. Dibad. 7. Meesha gorayada ku dhasho. 8. Midab geelu yeesho oo madow xigeen ah.
gaafan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-fnaa, -fnayd)
1. Wax diyaar ah ahaansho. 2. Midab gaar ah yeelasho (neef geel ah).
mid [m.l.t]
1. Erey wax lab oo keli ah tilmaama; hal. Tus. “Labadii m. baa yimid”. 2. Dad is-raacsan oo isku ujeeddo ah. 3. Kala m. ah: wax kala duwan. 4. Kala m. ah: fikrad, muuqaal, midab iwm cid ka raacid. 5. Jiididda la jiido shaqalka carabiga marka lagu dhawaaqayo.
mid [m.dh]
1. (m.t) Wax tiro ahaan hal ah oo dheddig. 2. Meermeerto weyn oo biyaha baddu sameeyaan.
mid [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Shaqal carabi ah ku dhawaaqiddiisa jiidid.