midiidin
(m.l) (-nno, m.dh)Qof la nool cid uu u shaqeeyo oo aan wax abaalmarin ah lahayn; aadeege; khaaddin. ld madiidin¹.
midiidin
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-imay, -intay; -imi)1. Hawl si aad ah u barasho. Tus. “Cali hawshii buu midiidimay.” 2. Weel la culay aad u catireyn. ld madiidin².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh midiidin ↴
dabadhilif [m.l] (-fyo, m.dh)
Cid, cid kale si midiidinnimo ah danaheeda ugu fulisa.
kabsid [m.l] (-dyo, m.dh)
1. Midiidinka liita oo kabaha dadka u qaada; kabaqaad. 2. Qof aan ra'yigiisa ku meel mari karin oo had iyo jeer cid ku tiirsan.
madiidin [m.l]
ld midiidin¹.
madiidin [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-imay, -intay)
ld midiidin².
madiidinnimo [m.dh]
ld midiidinnimo.
madiidinsad [m.l]
ld midiidinsasho.
madiidinsasho [m.dh]
ld midiidinsasho.
madiidinsi [m.l]
ld midiidinsasho.
madiidinso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
ld midiidinso.
midiidimi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
M./u m.: cid midiidin ka dhigid. ld madiidimi.
midiid [Magac Lab | Noun Masculine]
Catireynta weel la culayo aad loo catiriyo. ld madiid¹.
midiid [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Weel la culayo aad u catirid. ld madiid².