midow
(Magac Lab | Noun Masculine)

1. Mid noqosho (dad). 2. ld midoobid.

midow
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-oobay, -owday; -oobi)

Wax kala firirsanaan mid noqosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh midow

bireeris [m.l]
(juqr.) Duuduubka deggan, badanaa: fidsan, guud ahaan aan dhir lahayn, bannanno caws leh - dhul cawsaadka loolka dhexe - ee woqooyiga maraykanka, ee qariya gobollada koonfureed ee Alberta, Saskatuun iyo Manitoba oo Kanada ah iyo Badhtamaha midowga Mareykanka ilaa bilow-kureed Buur Dhadhaabeedyada oo ay ugu barayeyso ilaa dhigta harada Mishigan.

federaali [m.l]
(siyaa.) Midow dhex mara gobollo madaxbannaan oo mid waliba leedahy sharcigeeda gudaha, laakiin uu ka dhexeeyo dastuur kaliya. ld federaal.

istebis [m.l] (-syo, m.dh)
(juqr.) Dhul-cawsaadka loolka dhexe, oo ka kooban heer, guud ahaan bannaanada aan dhirta lahayn ee yurayshiya, oo fidsan gobollada hoose ee Danuub, iyo jiid weyn oo ah koonfurta yurub ee midowga soofiyati iyo koonfurta galbeed ee Sayberiya.

itixaad [m.l]
Isutagga siyaasadeed, dhaqaale, iwm ee dhex mara laba dawlad iwm; midow.

midoobid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg midow². ld midow¹ (2).

Ingiriiska []
Ingiriiska (Af-Ingiriis: England; Af-Carabi: إنجلترا) waa gobolka ugu wayn Midowga boqortooyada Britan Waxey xuduud la leedahay iskotland oo ay xaga waqooyi xuduud ka wadaagan, dhanka galbeedna waxa ay xuduud ka wadaagaan wels iyo bada Ireland. Caasimadiisu waa Landhan (London)

mid [m.l.t]
1. Erey wax lab oo keli ah tilmaama; hal. Tus. “Labadii m. baa yimid”. 2. Dad is-raacsan oo isku ujeeddo ah. 3. Kala m. ah: wax kala duwan. 4. Kala m. ah: fikrad, muuqaal, midab iwm cid ka raacid. 5. Jiididda la jiido shaqalka carabiga marka lagu dhawaaqayo.

mid [m.dh]
1. (m.t) Wax tiro ahaan hal ah oo dheddig. 2. Meermeerto weyn oo biyaha baddu sameeyaan.

mid [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Shaqal carabi ah ku dhawaaqiddiisa jiidid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg