miid
(Magac Dheddig | Noun Feminine)

1. ld miir 2. Hoore layiig ah oo shubma, sida: malabka, subagga iwm. 2. M. ah: hoore saafi ah oo aan wax kale ku labnayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh miid ↴

xabagbarsho [m.dh]
Malabka awlalka ku jira mid ka mid ah oo shinnidu si gaar ah u samayso; waa miid sida xabagta dhirta qaar-keed u cad oo aan gows iyo wax kale midna dheehin, oo boqoraddeedu cunto. ld xabag-barshe, xabagbarshi.

afkuxaarre [m.l] (-rrayaal, m.l/dh)
Qof cay badan oo aan hadalka u miidaandeyin.

miidaami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax meel durugsan oo ka soo noqodkeedu dhib yahay u eryid. 2. Nabar ama riddo si qiyaas la'aan ah meel ugu gemid.

miidaamin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg miidaami. ld miidaamis, miidaamo (3).

miidaamis [Magac Lab | Noun Masculine]
ld miidaamin.

miidaamo [Magac Dheddig | Noun Feminine]
1. Wax aan la rabin oo meel uusan ka soo nabad noqonayn loo diro. 2. Nabar aan loo meel deyin oo la rido. 3. ld miidaan². 4. ld miidaamin.

miidaan [m.l] (-nno, m.dh)
Goob dadku isugu yimaado oo lagu qabto waxyaalo kala duwan.

miidaan [Magac Dheddig | Noun Feminine]
Xasil. ld miidaamo (3).

miidaanday [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-yay, -yday)
U m.: fal samayntii aad uga fiirsasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg