miinshaar
(Magac Lab | Noun Masculine)

Nooc mallaayga ka mid ah oo af miinshaar ah leh. ld miishaar¹.

miinshaar
(m.dh) (-rro, m.dh)

Qalab bir ka samaysan oo lagu gooyo qoryaha, birta, dhagaxa iwm. ld miishaar².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh miinshaar

afmiinshaar [m.l] (-rro, m.dh)
Qof ku meel mariya wuxuu doona codkarnimo iyo karti dhagari ku jirto. ld afmiishaar.

afmiinshaarayn [m.f.dh]
eeg afmiinsharee. ld afmiishaarayn.

afmiinshaaree [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-reeyay, -raysay)
Qof wuxuu doona codkarnimo iyo karti dhagari ku jirto ku meel marin. ld afmiishaaree.

afmiinshaarnimo [m.dh]
Afmiinshaar ahaansho. ld afmiishaarnimo.

miinshaaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -reysay)
Miishaar wax ku goyn. ld miishaaree.

miinshaareyn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg miinshaaree. ld miishaareyn.

miishaar [Magac Lab | Noun Masculine]
ld miinshaar¹.

miishaar [Magac Dheddig | Noun Feminine]
ld miinshaar².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg