miira
(Magac Dheddig | Noun Feminine)

Bisha labaad oo sanad dayaxeedka; safar.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh miira

kaalbaa [m.l]
Caano fadhi ah, oo si ay u adkaadaan biyihii laga miiray oo ay lagama maarmaantahay in lagu cuno fandhaal.

uusmiirad [m.l]
ld uusmiirasho.

uusmiiran [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay)
Wax la uusmiiray noqosho.

uusmiiran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax la uusmiiray ahaansho.

uusmiirasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg uusmiiro. ld uusmiirad.

uusmiiro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
Neef geel ah oo la qalay calooshiisa biyo ka miirasho.

daay [m.l]
Biyo uus laga miiray.

dhiig-ku-shubid [m.dh]
(daaw.) Dhiig laga soo miiray qof caafimaad qaba oo dhiig bixiye ah (donor) oo lagu shubo aroor ka mid ah xididdada dhiigga ee qof kale oo dhiiggiisu ku fillaan waayey tiro yari ama tayo xumi awgeed oo ka iman karta shil ama cudur.

dhiigmiirad [m.l]
1. Si xaqdarra ah oo dadka xooggiisa looga faa'iideysto. 2. Dh. ah: qof dadka xooggiisa si xaqdarra ah uga faa'iideysta. 3. ld dhiigmiirasho.

dhiigmiiradnimo [m.dh]
Dhiigmiirad ahaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg