miisaan
(m.l) (-nno, m.dh)1. Qalab wax lagu cabbiro. 2. Culeys; culaab.
miisaan
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-aamay/-aanay, -antay; -aami)Miisaan wax ku cabbirid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh miisaan ↴
waafi [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
W. ah: cabbir, qiyaas miisaan iwm aan wax ka dhinayn ee weliba buro weheliso.
baraf-dhagax [m.l] (-xyo, m.dh)
(c.cimi.) Kubbado yaryar oo baraf adag ah, dhexroorkooduna uu gaarayo 5 mm. iyo in ka badan, kuwaas oo ka dhaca daruuraha kumuulonimbaska, badanaa waxaa la socda duufaan wadata roob culus oo onkod iyo hillaac leh. Dhagax barafyadu waxay leeyihiin qaabab kala duwan oo xajmigoodu uu gaarayo in door ah; dhagax barafyada keli kelida ah waxaa lagu yaqaannaa in miisaankoodu uu gaaro hal kg iyo ka badan. Samaysankooda waxaa u sabab ah hawo qoyan oo si dhaqso leh kor ugu kacda; dhibcaha biyaha ah way barafoobayaan.
cabbir-dhuleed [m.l]
(juqr.) Sayniska cabbiraadda qaabka iyo xajmiga dhulka oo ay ku jiraan miisaankiisa, cufnaantiisa iwm, iyo isla markaas sahaminta qaybaha waaweyn ee dhulka dushiisa ah si loo garawsado xoodnaanta dhulka.
ciir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Wax miisaankiisa dhan u iilasho.
culaab [m.dh]
Culayska shey leeyahay; miisaan.
culus [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-uslaa, -uslayd)
1. Wax miisaan weyn leh ahaansho. 2. Arrin muhiim ah ahaansho. 3. Arrin xalkeedu adagyahay ahaansho.
dhuti [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Nafley addimada mid ka mid ah wax ka qabta si aan isu miisaaneyn u socosho. ld dhiti².
farmi [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-iyay, -iday; -iyi)
Markab faaruq ah si miisaankiisa la isugu dheellitiro culays saarid.
gaasir [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Wax, miisaankiisa ama cabbirkiisu aannu dhammayn.
gaasir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Wax, miisaankiisa ama cabbirkiisa wax ka dhimid.