mile
(m.l) (-layaal, m.l/dh)

(kiim.) Hoor awood u leh milidda walxaha kale (adke, hoor, ama neef) si milan u samaysmo. Milihu guud ahaan waa xubinta ugu badan milanka.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mile

saamile [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Qof dad badan wax ka dhexeeya saami ku leh. ld sahmile.

saamiley [m.dh]
Naag wax dad badan ka dhexeeya saami ku leh.

biyuutanool [m.l] (-llo, m.dh)
(kiim.) Biyuutayl alkohool: C H OH. Hoor yeelan kara afar qaab oo isku-naanaysood. Biyuunta-1-ool,CH CH CH CH -OH, bar-karkeedu waa 117.5°C, waxana loo isticmaalaa mile ahaan.

cadaadis-siimow [m.l]
(baay.) Marka milanka laga sooco mile saafi ah iyada oo loo dhaxaysiinayo xuub badh habe, miiluhu waxaa uu u gudbiyaa milanka si uu uga hortago marinka miilaha ayaa loo yaqaan c. s.

dulmiley [m.dh]
Qof dumar ah oo dulmi samaysa.

himilee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
Wax cabbirkooda ama qiyaastooda raadin.

ma-milme [m.l] (-mayaal, m.l/dh)
(kiim.) Iskudhis milmiddiisu aad u hooseeyso (marka lagu daro mile gaar ah).

milan [m.l] (-nno, m.dh)
(kiim.) Hoor ka unkamay laba ama dhawr nooc ama walxood kuwaas oo isugu dhex baahay si heer molikuyuuleed ah. Haddaba, milanku waa isku kaan buuxa. Xubinta hadba badan ee milan waxa la yiraa mile, badanaaba waa hoor saafi ah xubinta yarna waxa la yiraa milme (neef, hoor ama adke).

moog [m.l] (-gag, m.l)
1. Kol; mar. 2. Kal; mile; jil.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg